21. Dadkaygiiyow (Muslimiinta ah)! Gala arladaan daahirka ah (Qudus) ee Alle idiin qoray (oo idinku waajibshay ka xoreynteeda mushrikiinta) , hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan.
22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.
23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan. Alle isku halleeya oo tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.