115. Alle wuxuu yidhi: Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba markaas kaddib, waxaan cadaabi cadaab aan cadaabeyn qof ka mid ah ummadaha.
116. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Alle ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmoo dhan Adigaa (Allow) leh oo ka hufan (xumaan)! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan.
119. Alle wuxuu odhan: Kanu waa Maalin ay runtoodu wax u tari runlowyada, waxay leeyihiin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qulqulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli ka yihiin. Taasina waa liibaanta weyn.