80. Waxaad arki in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya sokeeye iyo gacallo gaalada. Xumaa waxay naftoodu u hormarisey iyaga oo ah inuu Alle u cadhooday, oo cadaabtay ku waari weligood.
81. Hadday yihiin kuwo rumeysan Alle iyo Nabiga iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah, kama ay dhigteen sokeeyayaal iyo saaxiibbo (gaalada), in badanse oo ka mid ah waa caasiyaal.
82. Waxaad heli kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwa ah mushrikiinta, waxaadna heli kuwa ugu jaceyl dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed.
83. Markay maqlaan waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah Rasuulka, waxaad arki indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii.Waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Waan rumeynay; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca Xaqa.