51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada gacallo iyo sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ku jiro cudur (shaki, nifaaq, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Alle keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya.
53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Alle dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.
57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye. Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.