11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markay qolo (Cadow idiin ah) goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda ee Alle ka cabsada. Alle uun ha tala saarteen mu’miniintu.
13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.