Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
23 : 7

قَالَا رَبَّنَا ظَلَمۡنَآ أَنفُسَنَا وَإِن لَّمۡ تَغۡفِرۡ لَنَا وَتَرۡحَمۡنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 7

قَالَ ٱهۡبِطُواْ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ وَلَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُسۡتَقَرّٞ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ

24. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannada), idinkoo cadow isu ah. Waxaana idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo info
التفاسير:

external-link copy
25 : 7

قَالَ فِيهَا تَحۡيَوۡنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنۡهَا تُخۡرَجُونَ

25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
26 : 7

يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ قَدۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكُمۡ لِبَاسٗا يُوَٰرِي سَوۡءَٰتِكُمۡ وَرِيشٗاۖ وَلِبَاسُ ٱلتَّقۡوَىٰ ذَٰلِكَ خَيۡرٞۚ ذَٰلِكَ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ

26. Ilma Aadamow! Waxaan idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago, dharkase dhowrsashada, kaas baa khayr roon. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Alle, bal inay xusuustaan. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 7

يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ لَا يَفۡتِنَنَّكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ كَمَآ أَخۡرَجَ أَبَوَيۡكُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ يَنزِعُ عَنۡهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوۡءَٰتِهِمَآۚ إِنَّهُۥ يَرَىٰكُمۡ هُوَ وَقَبِيلُهُۥ مِنۡ حَيۡثُ لَا تَرَوۡنَهُمۡۗ إِنَّا جَعَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ أَوۡلِيَآءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ

27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 7

وَإِذَا فَعَلُواْ فَٰحِشَةٗ قَالُواْ وَجَدۡنَا عَلَيۡهَآ ءَابَآءَنَا وَٱللَّهُ أَمَرَنَا بِهَاۗ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَأۡمُرُ بِٱلۡفَحۡشَآءِۖ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

28. Markay falaan xumaanna waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn? info
التفاسير:

external-link copy
29 : 7

قُلۡ أَمَرَ رَبِّي بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَقِيمُواْ وُجُوهَكُمۡ عِندَ كُلِّ مَسۡجِدٖ وَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۚ كَمَا بَدَأَكُمۡ تَعُودُونَ

29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad iyo inaad u jeedisaan wejiyadiinna Xaggiisa keliya (waa inaydaan caabudin cid kale Isaga mooyee una jeesataan qibladda, Kacbada Makkah ku taal waqti kasta oo salaad) meel kastoo cibaado (masaajidda iyo arladoo dhan), baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 7

فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلضَّلَٰلَةُۚ إِنَّهُمُ ٱتَّخَذُواْ ٱلشَّيَٰطِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُم مُّهۡتَدُونَ

30. Koox wuu hanuunshay, koox (kalena) habow baa xaq ugu dhaboobay; waayo waxay ka yeesheen sheydaammada sokeeyeeyaal halkii Alle, waxayna isu heystaan inay hanuunsan yihiin. info
التفاسير: