Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
82 : 7

وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوهُم مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٞ يَتَطَهَّرُونَ

82. Jawaabtii qolodiisii ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara (Luud iyo inta rumeysay) magaaladiinna, waa dad is daahirinayee. info
التفاسير:

external-link copy
83 : 7

فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ

83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal (cadaabka). info
التفاسير:

external-link copy
84 : 7

وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

84. Waxaana roob uga dhignay dushooda roob (dhagaxyo dab ah). Ee eeg siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
85 : 7

وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ قَدۡ جَآءَتۡكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡۖ فَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بَعۡدَ إِصۡلَٰحِهَاۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

85. Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle keliya, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga (Alle) Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka hana ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr roon, haddaad tihiin mu’miniin. info
التفاسير:

external-link copy
86 : 7

وَلَا تَقۡعُدُواْ بِكُلِّ صِرَٰطٖ تُوعِدُونَ وَتَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ بِهِۦ وَتَبۡغُونَهَا عِوَجٗاۚ وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ كُنتُمۡ قَلِيلٗا فَكَثَّرَكُمۡۖ وَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

86. Ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Alle (Islaamka) kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, xusuustana markaad aheydeen kuwo yar, markaas uu idin badiyay. Oo eega siday ku dambeysey cidhibta kuwa wax fasahaadsha. info
التفاسير:

external-link copy
87 : 7

وَإِن كَانَ طَآئِفَةٞ مِّنكُمۡ ءَامَنُواْ بِٱلَّذِيٓ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦ وَطَآئِفَةٞ لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ فَٱصۡبِرُواْ حَتَّىٰ يَحۡكُمَ ٱللَّهُ بَيۡنَنَاۚ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ

87.Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayna rumeyn, haddaba samra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta. info
التفاسير: