Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
150 : 7

وَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ غَضۡبَٰنَ أَسِفٗا قَالَ بِئۡسَمَا خَلَفۡتُمُونِي مِنۢ بَعۡدِيٓۖ أَعَجِلۡتُمۡ أَمۡرَ رَبِّكُمۡۖ وَأَلۡقَى ٱلۡأَلۡوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأۡسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُۥٓ إِلَيۡهِۚ قَالَ ٱبۡنَ أُمَّ إِنَّ ٱلۡقَوۡمَ ٱسۡتَضۡعَفُونِي وَكَادُواْ يَقۡتُلُونَنِي فَلَا تُشۡمِتۡ بِيَ ٱلۡأَعۡدَآءَ وَلَا تَجۡعَلۡنِي مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah. info
التفاسير:

external-link copy
151 : 7

قَالَ رَبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَلِأَخِي وَأَدۡخِلۡنَا فِي رَحۡمَتِكَۖ وَأَنتَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ

151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkay, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata. info
التفاسير:

external-link copy
152 : 7

إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ ٱلۡعِجۡلَ سَيَنَالُهُمۡ غَضَبٞ مِّن رَّبِّهِمۡ وَذِلَّةٞ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُفۡتَرِينَ

152. Kuwii yeeshay dibiga (ilaah ahaan) Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici.Sidaasaan ku abaal marinnaa been abuurtayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
153 : 7

وَٱلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ ثُمَّ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِهَا وَءَامَنُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ

153. Kuwase fala camallo xun markaas toobad keena intaas kaddib, oo rumeeya (raacana xaqa), Rabbigaa intaas kaddib waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan. info
التفاسير:

external-link copy
154 : 7

وَلَمَّا سَكَتَ عَن مُّوسَى ٱلۡغَضَبُ أَخَذَ ٱلۡأَلۡوَاحَۖ وَفِي نُسۡخَتِهَا هُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلَّذِينَ هُمۡ لِرَبِّهِمۡ يَرۡهَبُونَ

154. Markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada. info
التفاسير:

external-link copy
155 : 7

وَٱخۡتَارَ مُوسَىٰ قَوۡمَهُۥ سَبۡعِينَ رَجُلٗا لِّمِيقَٰتِنَاۖ فَلَمَّآ أَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ قَالَ رَبِّ لَوۡ شِئۡتَ أَهۡلَكۡتَهُم مِّن قَبۡلُ وَإِيَّٰيَۖ أَتُهۡلِكُنَا بِمَا فَعَلَ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَّآۖ إِنۡ هِيَ إِلَّا فِتۡنَتُكَ تُضِلُّ بِهَا مَن تَشَآءُ وَتَهۡدِي مَن تَشَآءُۖ أَنتَ وَلِيُّنَا فَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَاۖ وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡغَٰفِرِينَ

155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta. info
التفاسير: