Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
96 : 7

وَلَوۡ أَنَّ أَهۡلَ ٱلۡقُرَىٰٓ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَفَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَرَكَٰتٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن كَذَّبُواْ فَأَخَذۡنَٰهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arlada, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah). info
التفاسير:

external-link copy
97 : 7

أَفَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا بَيَٰتٗا وَهُمۡ نَآئِمُونَ

97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda? info
التفاسير:

external-link copy
98 : 7

أَوَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا ضُحٗى وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ

98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya? info
التفاسير:

external-link copy
99 : 7

أَفَأَمِنُواْ مَكۡرَ ٱللَّهِۚ فَلَا يَأۡمَنُ مَكۡرَ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray. info
التفاسير:

external-link copy
100 : 7

أَوَلَمۡ يَهۡدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ أَهۡلِهَآ أَن لَّوۡ نَشَآءُ أَصَبۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡۚ وَنَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ

100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn. info
التفاسير:

external-link copy
101 : 7

تِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآئِهَاۚ وَلَقَدۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡكَٰفِرِينَ

101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
102 : 7

وَمَا وَجَدۡنَا لِأَكۡثَرِهِم مِّنۡ عَهۡدٖۖ وَإِن وَجَدۡنَآ أَكۡثَرَهُمۡ لَفَٰسِقِينَ

102. Mana aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood iyagoo ah caasiyaal. info
التفاسير:

external-link copy
103 : 7

ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَظَلَمُواْ بِهَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

103. Markaasaan iyaga kaddib la soo dirnay Muuse Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen oo dulmiyeen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha. info
التفاسير:

external-link copy
104 : 7

وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰفِرۡعَوۡنُ إِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

104. Wuxuuna Muuse yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka. info
التفاسير: