27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa la yaab leh xaalka mu’minka, hadduu kheyr helo wuu mahdiyaa, waana u kheyr, haddii dhib ku dhacana wuu ku samraa, waxayna u noqotaa khayr. W.w. Al-Bukhaari.
28. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddob jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.
29. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo og, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”.