23. Ka hor amarka ku soo arooray Aayadda 144 in Nabiga s.c.w. iyo asxaabtiisa u jeedsadaan Kacbada Makkah ku taal markay tukanayaan, waxay u jeesan jireen Muslimiinta Qudus oo xagga waqooyiga ah. Hirgelinta beddelidda qiblada waxaa lagu xusay Aayadaha xiga.
24. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi waxaa loo yeedhi Nuux c.s.Maalinta Qiyaamaha oo dhihi: Waa I kan oo adeeggaaga ahay, khayr oo dhanna waa xaggaaga Rabbiyow. Alle wuxuu odhan: Ma gaarsiiyey Fartiinteydii ummaddaadii? Wuxuu odhan: Haah. Waxaa la weydiin doonaa ummaddiisa: Miyuu idin soo gaarsiiyey Fartiinteydii? Waxay ku jawaabi: mayee, nooma iman wax dige ah. Alle wuxuu ku dhihi Nuux: Yaa haddaba kuu markhaati ah? Nuux wuxuu odhan: Muxammad iyo ummaddiisa, markaasay uga marag kacayaan inuu gaarsiiyey Fartiintii Alle, Rasuulkuna s.c.w. idinku marag furi idinka, waana sidaas Qowlka Alle : "Waa si aad ugu ahaataan marag dadka, Rasuulkuna (Muxammad s.c.w.) ugu ahaado marag korkiinna". W.w. Al-Bukhaari.