4. Caad u diida qaadashada hanuunka. Arrintannina waxaa u sabab ah kibirkooda iyo ku madax adeyggooda denbiyada.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkooda, waxaan xaq (Islaam ama xaq dadow) ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).