10. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.
11. “ Is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi toobad keen ahaan.