Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
113 : 2

وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ لَيۡسَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَقَالَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ لَيۡسَتِ ٱلۡيَهُودُ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَهُمۡ يَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ مِثۡلَ قَوۡلِهِمۡۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

113. Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin. info
التفاسير:

external-link copy
114 : 2

وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن مَّنَعَ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ أَن يُذۡكَرَ فِيهَا ٱسۡمُهُۥ وَسَعَىٰ فِي خَرَابِهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ مَا كَانَ لَهُمۡ أَن يَدۡخُلُوهَآ إِلَّا خَآئِفِينَۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ

114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada. info
التفاسير:

external-link copy
115 : 2

وَلِلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ فَأَيۡنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ

115. Alle baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, meel kastoo aad u jeedsataanna waxaa jira Wejiga Alle. Hubaal Alle waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon. info

Fiiro gaar ah: Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : "Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo ilaahay", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin.

التفاسير:

external-link copy
116 : 2

وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ بَل لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ

116. Waxay (Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta) yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay wiil (ilmo). Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo hufan. Wuxuuse leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada, dhammaan Isagay adeecsan yihiin. info
التفاسير:

external-link copy
117 : 2

بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

117. Waa unkaha samooyinka iyo arlada. markuu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuu yahay. info
التفاسير:

external-link copy
118 : 2

وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ لَوۡلَا يُكَلِّمُنَا ٱللَّهُ أَوۡ تَأۡتِينَآ ءَايَةٞۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّثۡلَ قَوۡلِهِمۡۘ تَشَٰبَهَتۡ قُلُوبُهُمۡۗ قَدۡ بَيَّنَّا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يُوقِنُونَ

118.Kuwa aan waxba ogeyni (mushrikiinta) waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan. info
التفاسير:

external-link copy
119 : 2

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۖ وَلَا تُسۡـَٔلُ عَنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡجَحِيمِ

119. Waxaan Annagu kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, waxnana lagaa weydiin maayo asxaabta dabka ololaya (ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda). info
التفاسير: