Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
70 : 2

قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ ٱلۡبَقَرَ تَشَٰبَهَ عَلَيۡنَا وَإِنَّآ إِن شَآءَ ٱللَّهُ لَمُهۡتَدُونَ

70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan. info
التفاسير:

external-link copy
71 : 2

قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ لَّا ذَلُولٞ تُثِيرُ ٱلۡأَرۡضَ وَلَا تَسۡقِي ٱلۡحَرۡثَ مُسَلَّمَةٞ لَّا شِيَةَ فِيهَاۚ قَالُواْ ٱلۡـَٰٔنَ جِئۡتَ بِٱلۡحَقِّۚ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفۡعَلُونَ

71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti). info
التفاسير:

external-link copy
72 : 2

وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسٗا فَٱدَّٰرَٰءۡتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٞ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ

72. (Xusa) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen. info
التفاسير:

external-link copy
73 : 2

فَقُلۡنَا ٱضۡرِبُوهُ بِبَعۡضِهَاۚ كَذَٰلِكَ يُحۡيِ ٱللَّهُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan. info
التفاسير:

external-link copy
74 : 2

ثُمَّ قَسَتۡ قُلُوبُكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَهِيَ كَٱلۡحِجَارَةِ أَوۡ أَشَدُّ قَسۡوَةٗۚ وَإِنَّ مِنَ ٱلۡحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنۡهُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخۡرُجُ مِنۡهُ ٱلۡمَآءُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَهۡبِطُ مِنۡ خَشۡيَةِ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed13. Allena ma mooga waxaad falaysaan. info

13. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.

التفاسير:

external-link copy
75 : 2

۞ أَفَتَطۡمَعُونَ أَن يُؤۡمِنُواْ لَكُمۡ وَقَدۡ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَسۡمَعُونَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُۥ مِنۢ بَعۡدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda)14 intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)? info

14. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.

التفاسير:

external-link copy
76 : 2

وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَا بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ قَالُوٓاْ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ لِيُحَآجُّوكُم بِهِۦ عِندَ رَبِّكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey 15, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn? info

15. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.

التفاسير: