Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
187 : 2

أُحِلَّ لَكُمۡ لَيۡلَةَ ٱلصِّيَامِ ٱلرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَآئِكُمۡۚ هُنَّ لِبَاسٞ لَّكُمۡ وَأَنتُمۡ لِبَاسٞ لَّهُنَّۗ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَخۡتَانُونَ أَنفُسَكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡ وَعَفَا عَنكُمۡۖ فَٱلۡـَٰٔنَ بَٰشِرُوهُنَّ وَٱبۡتَغُواْ مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَكُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلۡخَيۡطُ ٱلۡأَبۡيَضُ مِنَ ٱلۡخَيۡطِ ٱلۡأَسۡوَدِ مِنَ ٱلۡفَجۡرِۖ ثُمَّ أَتِمُّواْ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيۡلِۚ وَلَا تُبَٰشِرُوهُنَّ وَأَنتُمۡ عَٰكِفُونَ فِي ٱلۡمَسَٰجِدِۗ تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَقۡرَبُوهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ

187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna39, wuuna idinka toobad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale). info

39. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.

التفاسير:

external-link copy
188 : 2

وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ وَتُدۡلُواْ بِهَآ إِلَى ٱلۡحُكَّامِ لِتَأۡكُلُواْ فَرِيقٗا مِّنۡ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ بِٱلۡإِثۡمِ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon. info
التفاسير:

external-link copy
189 : 2

۞ يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَهِلَّةِۖ قُلۡ هِيَ مَوَٰقِيتُ لِلنَّاسِ وَٱلۡحَجِّۗ وَلَيۡسَ ٱلۡبِرُّ بِأَن تَأۡتُواْ ٱلۡبُيُوتَ مِن ظُهُورِهَا وَلَٰكِنَّ ٱلۡبِرَّ مَنِ ٱتَّقَىٰۗ وَأۡتُواْ ٱلۡبُيُوتَ مِنۡ أَبۡوَٰبِهَاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

189.Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Mana aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan. info

40. Waagii jaahiliyaddda qofka u xarman Xajka wuxuu ka soo gali jirey guriga duleedka iyo halka dambe, oo kama soo geli jirin horay, markaasay asxaabtii wax ka weydiiyeen taasi Rasuulkii Alle, markaasay soo degtay Aayaddan.

التفاسير:

external-link copy
190 : 2

وَقَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ وَلَا تَعۡتَدُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ

190. Kula dagaallamana Jidka Alle kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Hubaal Alle ma jecla xad gudbayaasha. info
التفاسير: