Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白

Số trang:close

external-link copy
50 : 40

قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ تَكُ تَأۡتِيكُمۡ رُسُلُكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ قَالُواْ بَلَىٰۚ قَالُواْ فَٱدۡعُواْۗ وَمَا دُعَٰٓؤُاْ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ

50. Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 40

إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ

51. Annagaa (Alle ah) u gargaari Rusuhayada iyo kuwa rumeeyey noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 40

يَوۡمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّٰلِمِينَ مَعۡذِرَتُهُمۡۖ وَلَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ

52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar). info
التفاسير:

external-link copy
53 : 40

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡهُدَىٰ وَأَوۡرَثۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ

53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda), info
التفاسير:

external-link copy
54 : 40

هُدٗى وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ

54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 40

فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ

55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga10, kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba. info

10. Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan denbi dhaaf Alle.

التفاسير:

external-link copy
56 : 40

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡ إِن فِي صُدُورِهِمۡ إِلَّا كِبۡرٞ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِۚ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ

56. Kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka. info
التفاسير:

external-link copy
57 : 40

لَخَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَكۡبَرُ مِنۡ خَلۡقِ ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ

57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuuridda dadka, dadka badankiisuse ma oga. info
التفاسير:

external-link copy
58 : 40

وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَلَا ٱلۡمُسِيٓءُۚ قَلِيلٗا مَّا تَتَذَكَّرُونَ

58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan. info
التفاسير: