Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白

Số trang:close

external-link copy
26 : 40

وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ذَرُونِيٓ أَقۡتُلۡ مُوسَىٰ وَلۡيَدۡعُ رَبَّهُۥٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمۡ أَوۡ أَن يُظۡهِرَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡفَسَادَ

26. Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diinta (hab dhaqankiinna) ama uu ka muujiyo arlada fasahaad5. info

5. Tafaraaruq idin geliyo ama dagaal sokeeye.

التفاسير:

external-link copy
27 : 40

وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٖ لَّا يُؤۡمِنُ بِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ

27. Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
28 : 40

وَقَالَ رَجُلٞ مُّؤۡمِنٞ مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَكۡتُمُ إِيمَٰنَهُۥٓ أَتَقۡتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ ٱللَّهُ وَقَدۡ جَآءَكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ مِن رَّبِّكُمۡۖ وَإِن يَكُ كَٰذِبٗا فَعَلَيۡهِ كَذِبُهُۥۖ وَإِن يَكُ صَادِقٗا يُصِبۡكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي يَعِدُكُمۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ كَذَّابٞ

28. Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (waa Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 40

يَٰقَوۡمِ لَكُمُ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَ ظَٰهِرِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِنۢ بَأۡسِ ٱللَّهِ إِن جَآءَنَاۚ قَالَ فِرۡعَوۡنُ مَآ أُرِيكُمۡ إِلَّا مَآ أَرَىٰ وَمَآ أَهۡدِيكُمۡ إِلَّا سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ

29. Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Alle hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 40

وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُم مِّثۡلَ يَوۡمِ ٱلۡأَحۡزَابِ

30. Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan wax la mid ah wixii ku dhacay xizbiyadii. info

6. Waa maalmaha uu Alle u soo diro Ciqaabkiisa kuwaasi diiday nabiyadii loo soo diray .

التفاسير:

external-link copy
31 : 40

مِثۡلَ دَأۡبِ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعِبَادِ

31. Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, Allena ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 40

وَيَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ يَوۡمَ ٱلتَّنَادِ

32. Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda7. info

7. Waa maalinta Qiyaamaha, markay denbiilayaasha la qeylin argarax, dadku waa isu yeeran goobta Qiyaamaha iyagoo in loo shafeeco raba.

التفاسير:

external-link copy
33 : 40

يَوۡمَ تُوَلُّونَ مُدۡبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ

33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyana ma uu laha wax hanuunin. info
التفاسير: