Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白

Số trang:close

external-link copy
149 : 3

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَرُدُّوكُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ

149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan27. info

27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud.

التفاسير:

external-link copy
150 : 3

بَلِ ٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلنَّٰصِرِينَ

150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
151 : 3

سَنُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ بِمَآ أَشۡرَكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗاۖ وَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ وَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلظَّٰلِمِينَ

151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaana hoyga daalimiinta (gar diidka). info
التفاسير:

external-link copy
152 : 3

وَلَقَدۡ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥٓ إِذۡ تَحُسُّونَهُم بِإِذۡنِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلۡتُمۡ وَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَعَصَيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنۡيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۚ ثُمَّ صَرَفَكُمۡ عَنۡهُمۡ لِيَبۡتَلِيَكُمۡۖ وَلَقَدۡ عَفَا عَنكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

152. Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Allena wuu u Roon yahay mu`miniinta. info

28. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.

التفاسير:

external-link copy
153 : 3

۞ إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan. info

29. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
30. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda.

التفاسير: