27. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud.
28. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.
29. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
30. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.