Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Al-maacuun

external-link copy
1 : 107

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ

1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 107

فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ

2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1. info

Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.

التفاسير:

external-link copy
3 : 107

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2. info

2. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.

التفاسير:

external-link copy
4 : 107

فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ

4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah), info
التفاسير:

external-link copy
5 : 107

ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ

5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 107

ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ

6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 107

وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ

7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye). info
التفاسير: