Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.
2. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.