41. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle s.c.w. oo leh: Wallaahi, Waxaan denbi dhaaf weydiistaa Alle oo u toobad keenaa wax ka badan toddobaatan jeer maalintii.» (W.w. Al-Bukhaari).
42. Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuudi ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga, markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga.