Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
92 : 4

وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٍ أَن يَقۡتُلَ مُؤۡمِنًا إِلَّا خَطَـٔٗاۚ وَمَن قَتَلَ مُؤۡمِنًا خَطَـٔٗا فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖ وَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُواْۚ فَإِن كَانَ مِن قَوۡمٍ عَدُوّٖ لَّكُمۡ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ وَإِن كَانَ مِن قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞ فَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ وَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ تَوۡبَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا

92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, u toobad keen ahaan Alle. Allena waa Wax walba Oge, Xakiiim ah info

37. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm.

التفاسير:

external-link copy
93 : 4

وَمَن يَقۡتُلۡ مُؤۡمِنٗا مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدٗا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمٗا

93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran.38 info

38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofka mu’minka ah wuxuu ku sugnaan khayr xagga diintiisa marba haddii uusan galin denbiga ah inuu qof ku dilo xaq darro.” Wuxuu sidoo kale yidhi: Adduunka oo rogmada yaa ka sahlan Alle agtiisa dil qof Muslim ah.

التفاسير:

external-link copy
94 : 4

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُواْ وَلَا تَقُولُواْ لِمَنۡ أَلۡقَىٰٓ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَٰمَ لَسۡتَ مُؤۡمِنٗا تَبۡتَغُونَ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٞۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبۡلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَتَبَيَّنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا

94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan. info
التفاسير: