Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
87 : 4

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۗ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثٗا

87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla. info
التفاسير:

external-link copy
88 : 4

۞ فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا

88.Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno).36 info

35. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey.
36. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale.

التفاسير:

external-link copy
89 : 4

وَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ كَمَا كَفَرُواْ فَتَكُونُونَ سَوَآءٗۖ فَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ أَوۡلِيَآءَ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ وَجَدتُّمُوهُمۡۖ وَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرًا

89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna. info
التفاسير:

external-link copy
90 : 4

إِلَّا ٱلَّذِينَ يَصِلُونَ إِلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٌ أَوۡ جَآءُوكُمۡ حَصِرَتۡ صُدُورُهُمۡ أَن يُقَٰتِلُوكُمۡ أَوۡ يُقَٰتِلُواْ قَوۡمَهُمۡۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَسَلَّطَهُمۡ عَلَيۡكُمۡ فَلَقَٰتَلُوكُمۡۚ فَإِنِ ٱعۡتَزَلُوكُمۡ فَلَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ وَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ فَمَا جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سَبِيلٗا

90. Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan). info
التفاسير:

external-link copy
91 : 4

سَتَجِدُونَ ءَاخَرِينَ يُرِيدُونَ أَن يَأۡمَنُوكُمۡ وَيَأۡمَنُواْ قَوۡمَهُمۡ كُلَّ مَا رُدُّوٓاْ إِلَى ٱلۡفِتۡنَةِ أُرۡكِسُواْ فِيهَاۚ فَإِن لَّمۡ يَعۡتَزِلُوكُمۡ وَيُلۡقُوٓاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ وَيَكُفُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡۚ وَأُوْلَٰٓئِكُمۡ جَعَلۡنَا لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا

91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad. info
التفاسير: