53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn).
56. Hana ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, baryana (Alle) idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha.
57. Waa Isaga Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan.