46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxay u dhawaaqina ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare - Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.
48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).
49. Ma kuwani baa kuwaad dhaar ku marteen, in aanu Alle ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma aha cabsi dushiinna, mana murugooneysaan.
50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Noogu soo deeqa biyo ama wuxuu Alle idinku irsaaqay. Waxay odhan: Alle wuu ka xarrimay gaalada.
51. Kuwa ka yeesha diintooda haasaawe iyo dheel ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u dafiri jireen.