31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabbana, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba.
33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn.
35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga, ee ciddii ka dhowrsata (xumaha) oo sama fasha, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowdka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Alle sokadi?. Waxay odhan: Way naga dhumeen oo tageen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo.