17. Hubaal, Kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada iyo Majuusta iyo kuwa cid kale la wadaajiya Alle (cibaadada), Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Allena wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.
18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay3. Qofkiina uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.
19. Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .
22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh.