65. Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.
70. Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab19. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.
19. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka uu Alle ku heysto agtiisa.
71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, daalimiintana (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara (shafeeca Aakhirada).
72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun20? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.
20. Ka daran cadhada aad u qabtaan kuwa akhriya Aayadaha Alle ama ka daran waxa aad ugu gooddisaan.