કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ

પેજ નંબર:close

external-link copy
16 : 22

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ وَأَنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يُرِيدُ

16. Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 22

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلۡمَجُوسَ وَٱلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

17. Hubaal, Kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada iyo Majuusta iyo kuwa cid kale la wadaajiya Alle (cibaadada), Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Allena wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 22

أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَسۡجُدُۤ لَهُۥۤ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ وَٱلنُّجُومُ وَٱلۡجِبَالُ وَٱلشَّجَرُ وَٱلدَّوَآبُّ وَكَثِيرٞ مِّنَ ٱلنَّاسِۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيۡهِ ٱلۡعَذَابُۗ وَمَن يُهِنِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّكۡرِمٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَفۡعَلُ مَا يَشَآءُ۩

18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay3. Qofkiina uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono. info

3. Oo sidaas awgeed loo qoray oo qaddaray.

التفاسير:

external-link copy
19 : 22

۞ هَٰذَانِ خَصۡمَانِ ٱخۡتَصَمُواْ فِي رَبِّهِمۡۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قُطِّعَتۡ لَهُمۡ ثِيَابٞ مِّن نَّارٖ يُصَبُّ مِن فَوۡقِ رُءُوسِهِمُ ٱلۡحَمِيمُ

19. Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya . info

4. Waxaa loola jeedaa mu’miniinta iyo gaalada.

التفاسير:

external-link copy
20 : 22

يُصۡهَرُ بِهِۦ مَا فِي بُطُونِهِمۡ وَٱلۡجُلُودُ

20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda). info
التفاسير:

external-link copy
21 : 22

وَلَهُم مَّقَٰمِعُ مِنۡ حَدِيدٖ

21. Waxay (gaaladu) ku leeyihiin Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco). info
التفاسير:

external-link copy
22 : 22

كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَا مِنۡ غَمٍّ أُعِيدُواْ فِيهَا وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ

22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 22

إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ

23. Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed shuuliyo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh. info
التفاسير: