Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白

external-link copy
221 : 2

وَلَا تَنكِحُواْ ٱلۡمُشۡرِكَٰتِ حَتَّىٰ يُؤۡمِنَّۚ وَلَأَمَةٞ مُّؤۡمِنَةٌ خَيۡرٞ مِّن مُّشۡرِكَةٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَتۡكُمۡۗ وَلَا تُنكِحُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ حَتَّىٰ يُؤۡمِنُواْۚ وَلَعَبۡدٞ مُّؤۡمِنٌ خَيۡرٞ مِّن مُّشۡرِكٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَكُمۡۗ أُوْلَٰٓئِكَ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلنَّارِۖ وَٱللَّهُ يَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلۡجَنَّةِ وَٱلۡمَغۡفِرَةِ بِإِذۡنِهِۦۖ وَيُبَيِّنُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

221. Ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan, addoonad mu’minad ah baana ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Hana u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan. Addoon mu’min ah baana ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay idiinku yeedhi Naar, Allena wuxuu idiinku yeedhi Janno iyo denbi dhaaf si idankiisa ah, wuxuuna u caddayn Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan. info
التفاسير: