1. Ad-Dalaaq: Furriinka.
2. Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh.
3. Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan.
4. Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan.
5. Intay ciddada ku jiraan, waa xaasaska la furay furriin la soo ceshan karo.
6. Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho.
7. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233.
8. Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”.