আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

Ad-dalaaq

external-link copy
1 : 65

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا

1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka2, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), dhowrana (amarrada) Alle, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub4. info

1. Ad-Dalaaq: Furriinka.
2. Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh.
3. Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan.
4. Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan.

التفاسير:

external-link copy
2 : 65

فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ فَارِقُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖ وَأَشۡهِدُواْ ذَوَيۡ عَدۡلٖ مِّنكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مَخۡرَجٗا

2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta). info

5. Intay ciddada ku jiraan, waa xaasaska la furay furriin la soo ceshan karo.

التفاسير:

external-link copy
3 : 65

وَيَرۡزُقۡهُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَحۡتَسِبُۚ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسۡبُهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَٰلِغُ أَمۡرِهِۦۚ قَدۡ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَيۡءٖ قَدۡرٗا

3. Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 65

وَٱلَّٰٓـِٔي يَئِسۡنَ مِنَ ٱلۡمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمۡ إِنِ ٱرۡتَبۡتُمۡ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَٰثَةُ أَشۡهُرٖ وَٱلَّٰٓـِٔي لَمۡ يَحِضۡنَۚ وَأُوْلَٰتُ ٱلۡأَحۡمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّهُۥ مِنۡ أَمۡرِهِۦ يُسۡرٗا

4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan6. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud. info

6. Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho.

التفاسير:

external-link copy
5 : 65

ذَٰلِكَ أَمۡرُ ٱللَّهِ أَنزَلَهُۥٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يُكَفِّرۡ عَنۡهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُعۡظِمۡ لَهُۥٓ أَجۡرًا

5. Kaasi waa Amarka Alle uu idiin soo dejiyey. Qofkii dhowra (amarka) Alle wuxuu ka tiri xumaatooyinkiisa, oo siin ajar weyn. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 65

أَسۡكِنُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ سَكَنتُم مِّن وُجۡدِكُمۡ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُواْ عَلَيۡهِنَّۚ وَإِن كُنَّ أُوْلَٰتِ حَمۡلٖ فَأَنفِقُواْ عَلَيۡهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ فَإِنۡ أَرۡضَعۡنَ لَكُمۡ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأۡتَمِرُواْ بَيۡنَكُم بِمَعۡرُوفٖۖ وَإِن تَعَاسَرۡتُمۡ فَسَتُرۡضِعُ لَهُۥٓ أُخۡرَىٰ

6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi7. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin8. info

7. Dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan). Ha
8. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233.

التفاسير:

external-link copy
7 : 65

لِيُنفِقۡ ذُو سَعَةٖ مِّن سَعَتِهِۦۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيۡهِ رِزۡقُهُۥ فَلۡيُنفِقۡ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَاۚ سَيَجۡعَلُ ٱللَّهُ بَعۡدَ عُسۡرٖ يُسۡرٗا

7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 65

وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ عَتَتۡ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبۡنَٰهَا حِسَابٗا شَدِيدٗا وَعَذَّبۡنَٰهَا عَذَابٗا نُّكۡرٗا

8. Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada). info
التفاسير:

external-link copy
9 : 65

فَذَاقَتۡ وَبَالَ أَمۡرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمۡرِهَا خُسۡرًا

9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 65

أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ قَدۡ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكُمۡ ذِكۡرٗا

10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan). info
التفاسير:

external-link copy
11 : 65

رَّسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ قَدۡ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزۡقًا

11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkiina rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 65

ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ وَمِنَ ٱلۡأَرۡضِ مِثۡلَهُنَّۖ يَتَنَزَّلُ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنَهُنَّ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عِلۡمَۢا

12. Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale (ka abuuray)9. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal. info

9. Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”.

التفاسير: