Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub

Numri i faqes:close

external-link copy
51 : 56

ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ

51. Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
52 : 56

لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٖ مِّن زَقُّومٖ

52. Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah5. info

5. Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna.

التفاسير:

external-link copy
53 : 56

فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

53. Oo ka buuxineysaan caloolihiinna. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 56

فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ

54. Waxaad ku dul cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 56

فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ

55. U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 56

هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ

56. Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
57 : 56

نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ

57. Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen? info
التفاسير:

external-link copy
58 : 56

أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ

58. Ma u fiirsateen minada idinka timaadda? info
التفاسير:

external-link copy
59 : 56

ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ

59. Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Alle ah) Abuurayaasha? info
التفاسير:

external-link copy
60 : 56

نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ

60. Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 56

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ

61. Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 56

وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ

62. Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn? info
التفاسير:

external-link copy
63 : 56

أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ

63. Ma u fiirsateen waxaad beertaan?; info
التفاسير:

external-link copy
64 : 56

ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّٰرِعُونَ

64. Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya? info
التفاسير:

external-link copy
65 : 56

لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ

65. Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan. info
التفاسير:

external-link copy
66 : 56

إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ

66. (idinkoo leh): Waa nala khasaariyey. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 56

بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ

67. Balse waa nala hoojiyey. info
التفاسير:

external-link copy
68 : 56

أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ

68. Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan? info
التفاسير:

external-link copy
69 : 56

ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ

69. Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya? info
التفاسير:

external-link copy
70 : 56

لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ

70.Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)? info
التفاسير:

external-link copy
71 : 56

أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ

71. Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan. info
التفاسير:

external-link copy
72 : 56

ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ

72. Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha? info
التفاسير:

external-link copy
73 : 56

نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةٗ وَمَتَٰعٗا لِّلۡمُقۡوِينَ

73. Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)6. info

6. Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro.

التفاسير:

external-link copy
74 : 56

فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

74. Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan. info
التفاسير:

external-link copy
75 : 56

۞ فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ

75. Mayee, waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan. info
التفاسير:

external-link copy
76 : 56

وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٞ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ

76. Xaqiiqna waa dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen. info
التفاسير: