Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub

Numri i faqes:close

external-link copy
43 : 38

وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ

43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 38

وَخُذۡ بِيَدِكَ ضِغۡثٗا فَٱضۡرِب بِّهِۦ وَلَا تَحۡنَثۡۗ إِنَّا وَجَدۡنَٰهُ صَابِرٗاۚ نِّعۡمَ ٱلۡعَبۡدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٞ

44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada12; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan). info

12. Mar ay xaaskiisa muujisay samir yari, wuxuu ku dhaartay Ayuub inuu garaacayo hadduu reysto. Alle wuxuu amray inuu kaga dhabeeyo dhaartiisa oo hal mar ku dhufto boqol dhangadood oo yar yar oo isku duuban.

التفاسير:

external-link copy
45 : 38

وَٱذۡكُرۡ عِبَٰدَنَآ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ أُوْلِي ٱلۡأَيۡدِي وَٱلۡأَبۡصَٰرِ

45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta). info
التفاسير:

external-link copy
46 : 38

إِنَّآ أَخۡلَصۡنَٰهُم بِخَالِصَةٖ ذِكۡرَى ٱلدَّارِ

46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro). info
التفاسير:

external-link copy
47 : 38

وَإِنَّهُمۡ عِندَنَا لَمِنَ ٱلۡمُصۡطَفَيۡنَ ٱلۡأَخۡيَارِ

47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah. info
التفاسير:

external-link copy
48 : 38

وَٱذۡكُرۡ إِسۡمَٰعِيلَ وَٱلۡيَسَعَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ وَكُلّٞ مِّنَ ٱلۡأَخۡيَارِ

48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta. info
التفاسير:

external-link copy
49 : 38

هَٰذَا ذِكۡرٞۚ وَإِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ لَحُسۡنَ مَـَٔابٖ

49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san. info
التفاسير:

external-link copy
50 : 38

جَنَّٰتِ عَدۡنٖ مُّفَتَّحَةٗ لَّهُمُ ٱلۡأَبۡوَٰبُ

50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 38

مُتَّكِـِٔينَ فِيهَا يَدۡعُونَ فِيهَا بِفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ وَشَرَابٖ

51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan). info
التفاسير:

external-link copy
52 : 38

۞ وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ أَتۡرَابٌ

52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah). info
التفاسير:

external-link copy
53 : 38

هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ

53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
54 : 38

إِنَّ هَٰذَا لَرِزۡقُنَا مَا لَهُۥ مِن نَّفَادٍ

54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 38

هَٰذَاۚ وَإِنَّ لِلطَّٰغِينَ لَشَرَّ مَـَٔابٖ

55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 38

جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَا فَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ

56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo. info
التفاسير:

external-link copy
57 : 38

هَٰذَا فَلۡيَذُوقُوهُ حَمِيمٞ وَغَسَّاقٞ

57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun. info
التفاسير:

external-link copy
58 : 38

وَءَاخَرُ مِن شَكۡلِهِۦٓ أَزۡوَٰجٌ

58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 38

هَٰذَا فَوۡجٞ مُّقۡتَحِمٞ مَّعَكُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِهِمۡۚ إِنَّهُمۡ صَالُواْ ٱلنَّارِ

59. Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Waxay geli Naarta oo ku guban. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 38

قَالُواْ بَلۡ أَنتُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِكُمۡۖ أَنتُمۡ قَدَّمۡتُمُوهُ لَنَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ

60. Waxay (raciyadii) ku odhan (madaxdoodii): Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday, ee u xumaa halkan fariisan guntii la degaa. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 38

قَالُواْ رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدۡهُ عَذَابٗا ضِعۡفٗا فِي ٱلنَّارِ

61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda. info
التفاسير: