Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub

Numri i faqes:close

external-link copy
43 : 16

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 16

بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِۗ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلذِّكۡرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ

44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 16

أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخۡسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ

45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn? info
التفاسير:

external-link copy
46 : 16

أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ فِي تَقَلُّبِهِمۡ فَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ

46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)? info
التفاسير:

external-link copy
47 : 16

أَوۡ يَأۡخُذَهُمۡ عَلَىٰ تَخَوُّفٖ فَإِنَّ رَبَّكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٌ

47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan9. info

9. Isagoo dib ugu dhiga ciqaabka ay mudan yihiin oo siiya fursad ay ku toobad keenaan.

التفاسير:

external-link copy
48 : 16

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٖ يَتَفَيَّؤُاْ ظِلَٰلُهُۥ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدٗا لِّلَّهِ وَهُمۡ دَٰخِرُونَ

48. Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan. info
التفاسير:

external-link copy
49 : 16

وَلِلَّهِۤ يَسۡجُدُۤ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ مِن دَآبَّةٖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ

49. Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan. info
التفاسير:

external-link copy
50 : 16

يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ۩

50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 16

۞ وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓاْ إِلَٰهَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَإِيَّٰيَ فَٱرۡهَبُونِ

51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Anigoo Keliya iga cabsada10. info

10. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii qiraa inuusan jirin ilaah Xaq ah aan aheyn Alle iyo inuusan laheyn wax shariik ah, iyo in Muxmmad yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo in Ciise yahay addoon Alle iyo Rasuulki, iyo Kelmeddiisii uu Jabriil ku afuufay Maryam iyo ruux uu abuuray Alle, iyo in Jannadu run tahay, Naartuna run tahay, Alle wuxuu gelin Jannada si kastaba camalkiisa ha u yaraadee. W.w. Al-Bukhaari.

التفاسير:

external-link copy
52 : 16

وَلَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًاۚ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ

52. Alle baana iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan wxaan ahayn Alle. info
التفاسير:

external-link copy
53 : 16

وَمَا بِكُم مِّن نِّعۡمَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيۡهِ تَجۡـَٔرُونَ

53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 16

ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنكُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ

54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale. info
التفاسير: