Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Al-balad

external-link copy
1 : 90

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 90

وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd). info

1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore."
Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.

التفاسير:

external-link copy
3 : 90

وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ

3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa (Ismaaciil)2. info

2. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.

التفاسير:

external-link copy
4 : 90

لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ

4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 90

أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ

5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn? info
التفاسير:

external-link copy
6 : 90

يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا

6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 90

أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ

7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag? info
التفاسير:

external-link copy
8 : 90

أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ

8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 90

وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ

9. Iyo carrab iyo labo bishimood? info
التفاسير:

external-link copy
10 : 90

وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ

10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 90

فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ

11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah? info
التفاسير:

external-link copy
12 : 90

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ

12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah? info
التفاسير:

external-link copy
13 : 90

فَكُّ رَقَبَةٍ

13. Waa addoon la xoreeyo. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 90

أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ

14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 90

يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ

15. Agoon kuu dhow. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 90

أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ

16. Ama miskiin dhulka yaal. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 90

ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ

17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta). info
التفاسير:

external-link copy
18 : 90

أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ

18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada). info
التفاسير:

external-link copy
19 : 90

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ

19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka). info
التفاسير:

external-link copy
20 : 90

عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ

20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah). info
التفاسير: