1. At-Tawbah, u soo laabashada Alle iyo toobad keenka, suuraddan sidoo kale waxaa la yidhaahdaa Baraa’ah, oo macnaheedu yahay ka barii ahaanshada gaalada, ka fogaanta shirkiga iyo xumaha, ama ka bixitaanka ballamaha gaalada khaa'imiinta ah. Bisinka laguma xusin billowga Suuraddan. Waxaa sidoo kale la yidhi Suuraddan iyo Suuradda Al-Anfaal waa isku hal Suurad sidaa awgeed ma leh Bisin.
2. Waxay isku khilaafeen mufasiriinta macnaha iidweynta Xajka, qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa Maalinta Gowraca - Adxada, qaar kalena waxay yidhaahdeen: waa maalinta Carafa, waxaana loola jeedaa halkan Xajka weyn wixii dhacay sannadkii 10aad ee hijrada.
3. Waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda leh afarta bilood ee kala ah: Dul-Qacadah, Dul Xijjah, Muxarram, iyo Rajab. Bilaha fursadda la siinayo mushrikiinta waxaa weeye laga billaabo 10ka Dulxijjah ilaa 10ka Rabiicul Aakhir.