Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Pagina nummer:close

external-link copy
53 : 8

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرٗا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

53. Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 8

كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلّٞ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ

54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 8

إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

55. Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada (madaxa adag, macangagga ah), marka ma ay rumeynayaan. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 8

ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٖ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ

56. Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi). info
التفاسير:

external-link copy
57 : 8

فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ

57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, inay waantoobaan. info

14. Waa dila oo laaya oo tusaale ka dhiga lagu cibrad qaaato si aad u niyad jebisaan kuwa soo raaci lahaa.

التفاسير:

external-link copy
58 : 8

وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةٗ فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ

58. Haddaad ka cabsatona khiyaano xagga qolo (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Alle ma jecla khaa’imiinta. info

15. Markaad ka aragto calaamado muujinaysa khiyaano kuwaas aad la gashay heshiiska, ogeysii inaad ka baxday ballantii idiin dhexeysey si ay u ogaadaan halka ay istaagayaan.

التفاسير:

external-link copy
59 : 8

وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ

59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan (wuuna soo qaban meelay gaaraanba). info
التفاسير:

external-link copy
60 : 8

وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٖ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ

60. U diyaarsadana waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 8

۞ وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

61. Hadday u iishaanna gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Alle. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah. info
التفاسير: