Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Al-axzaab

external-link copy
1 : 33

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا

1. Nabiyow! Ku sugnow cabsida Alle (adigoo dhowraya xilkuu ku saaray), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 33

وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا

2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 33

وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا

3. Isku hallee oo talo saarona Alle, Alle ku Filan wakiil uu ahaado. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 33

مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ

4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale2, kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen3. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Allena wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka). info

1. Al-Axzaab waxay tilmaameysaa isbaheysigii qabaa’ishii Carabta ee gaalada ahayd iyagoo col ku ah Muslimiintii degganeyd Madiinah iyagoo ku soo qaaday duullaan loogu magac daray Al-Axzaab ama Al-Khandaq (dagaalkii Godka).
2. Waa ninka oo ku yidhaahda xaaskiisa waxaad iga tahay hooyaday oo kale, waxayna sidaas xaaska kaga noqoneysey ninkeeda xaaraan abadki. Waxaase lagu nasakhay Islaamka, waxayna xaaska u noqon xalaal kaddib markuu baxsho kafaaro gudda lagu xusay Suuradda 58: Aayadaha 3-4.
3. Carruurta aad idinka koriseen oo dar yeesheen. Mowla waa addoonka la xoreeyey ama uu abbaankiisa ka dhigtay wiil uu dhalay ahaan, sida Saalim, wuxuu ka dhigtay Xudayfa wiilkiisa oo kale, waxaana loo yiqiin mowlaa Xudeyfa.

التفاسير:

external-link copy
5 : 33

ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا

5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Allena waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan. info

4. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu ummaddan ka saamaxay wixii uga dhaca gef aan ula kac ahayn, hilmaanka, iyo wixii lagu qasbo.”

التفاسير:

external-link copy
6 : 33

ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا

6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka6. info

5. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
6. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.

التفاسير: