Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Alfurqaan

external-link copy
1 : 25

تَبَارَكَ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡفُرۡقَانَ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦ لِيَكُونَ لِلۡعَٰلَمِينَ نَذِيرًا

1. Waxaa Barako iyo Khayr badan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan1 (Qur’aanka kala saara Xaqa iyo baadilka) addoonkiisa2 (Nabiga) si uu ugu noqdo caalamka dige. info

1. Al-Furqaan waa Magac kale ee lagu magacaabo Qur’aanka, macnaha Al-Furqaan waxaa weeye kala saaraha runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta, xalaasha iyo xaaraanta.
2. Ku soo dejiyey addoonkiisa, waxaa loola jeedaa addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w. waana sharfid sidaas.

التفاسير:

external-link copy
2 : 25

ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖ فَقَدَّرَهُۥ تَقۡدِيرٗا

2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u aheysiiyey si qiyaasan. info
التفاسير: