Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub.

Pagina nummer:close

external-link copy
43 : 23

مَا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ

43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 23

ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا تَتۡرَاۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةٗ رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُۖ فَأَتۡبَعۡنَا بَعۡضَهُم بَعۡضٗا وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَۚ فَبُعۡدٗا لِّقَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ

44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 23

ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ

45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad. info

5. waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse.

التفاسير:

external-link copy
46 : 23

إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمًا عَالِينَ

46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya. info
التفاسير:

external-link copy
47 : 23

فَقَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لِبَشَرَيۡنِ مِثۡلِنَا وَقَوۡمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ

47. Waxayna yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.” info
التفاسير:

external-link copy
48 : 23

فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡلَكِينَ

48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay. info
التفاسير:

external-link copy
49 : 23

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ

49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan6. info

6. Ilmahii Israa’iil.

التفاسير:

external-link copy
50 : 23

وَجَعَلۡنَا ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةٗ وَءَاوَيۡنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبۡوَةٖ ذَاتِ قَرَارٖ وَمَعِينٖ

50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad (waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban), waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo). info
التفاسير:

external-link copy
51 : 23

يَٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُواْ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ

51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu waxaad faleysaan waan Ogahaye. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 23

وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱتَّقُونِ

52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilkaan idin saaray oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) . info
التفاسير:

external-link copy
53 : 23

فَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ زُبُرٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ

53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin. info

7. Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm.

التفاسير:

external-link copy
54 : 23

فَذَرۡهُمۡ فِي غَمۡرَتِهِمۡ حَتَّىٰ حِينٍ

54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 23

أَيَحۡسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٖ وَبَنِينَ

55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 23

نُسَارِعُ لَهُمۡ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ بَل لَّا يَشۡعُرُونَ

56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana8. info

8. In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga.

التفاسير:

external-link copy
57 : 23

إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ خَشۡيَةِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ

57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay; info
التفاسير:

external-link copy
58 : 23

وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ

58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan, info
التفاسير:

external-link copy
59 : 23

وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمۡ لَا يُشۡرِكُونَ

59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada); info
التفاسير: