20. Xumahaas oo ahaa shirki, gaalnimo, fuulitaanka ragga, khaniisnimo, tuugo, boob, dhac, jid gooyo, iwm iyagoo waxaasi oo idil u fali jiray si bareer ah.
21. Macnaha uu habaaray qolodiisii kuwaasoo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida.
* Wuxuu Daawuud xukumay in adhigaa beertaa daaqay la siiyo ninkii lahaa beerta khasaarahii loo geystey darteed.
22. Macnaha waa inuu Alle mar waliba karo inuu fuliyo wuxuu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey.