4. Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood.
5. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn.