クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

ページ番号:close

external-link copy
123 : 9

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ ٱلۡكُفَّارِ وَلۡيَجِدُواْ فِيكُمۡ غِلۡظَةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ

123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg, ogaadana inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa). info
التفاسير:

external-link copy
124 : 9

وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ فَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ أَيُّكُمۡ زَادَتۡهُ هَٰذِهِۦٓ إِيمَٰنٗاۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَزَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَهُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ

124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan. info
التفاسير:

external-link copy
125 : 9

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ فَزَادَتۡهُمۡ رِجۡسًا إِلَىٰ رِجۡسِهِمۡ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ

125. Kuwase quluubta ka buka41, waxay u kordhisaa fadaro42 (ka badan) fadaradoo- dii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah. info

41. Jirrada qalbiga waxaa halkan loola jeedaa gaalnimada, nifaaqa, shakiga, kibirka, iwm.
42. Rijz luqad ahaan waa xumaan, fadaro, najaaso waxaana loola jeedaa gaalnimo iyo munaafiqnimo.

التفاسير:

external-link copy
126 : 9

أَوَلَا يَرَوۡنَ أَنَّهُمۡ يُفۡتَنُونَ فِي كُلِّ عَامٖ مَّرَّةً أَوۡ مَرَّتَيۡنِ ثُمَّ لَا يَتُوبُونَ وَلَا هُمۡ يَذَّكَّرُونَ

126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma toobad keenaan (Alle), mana waansamaan. info
التفاسير:

external-link copy
127 : 9

وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ نَّظَرَ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ هَلۡ يَرَىٰكُم مِّنۡ أَحَدٖ ثُمَّ ٱنصَرَفُواْۚ صَرَفَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُم بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ

127. Marka Suurad la soo dejiyona, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin. info
التفاسير:

external-link copy
128 : 9

لَقَدۡ جَآءَكُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ عَزِيزٌ عَلَيۡهِ مَا عَنِتُّمۡ حَرِيصٌ عَلَيۡكُم بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ

128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah(waa Nabi Muxammad s.c.w), ay murugo geliso waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan. info
التفاسير:

external-link copy
129 : 9

فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُۖ وَهُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ

129.Haddayse (ka) jeesadaan(Iimaanka iyo camalka san), dheh:Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn. info
التفاسير: