クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

ページ番号:close

external-link copy
94 : 9

يَعۡتَذِرُونَ إِلَيۡكُمۡ إِذَا رَجَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡۚ قُل لَّا تَعۡتَذِرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ لَكُمۡ قَدۡ نَبَّأَنَا ٱللَّهُ مِنۡ أَخۡبَارِكُمۡۚ وَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمۡ وَرَسُولُهُۥ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

94. Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Alle baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Allena wuu arki camalkiinna iyo Rasuul- kiisa. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
95 : 9

سَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ لَكُمۡ إِذَا ٱنقَلَبۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ لِتُعۡرِضُواْ عَنۡهُمۡۖ فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمۡۖ إِنَّهُمۡ رِجۡسٞۖ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

95. Waxay idiinku dhaaran Alle (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Jahannama - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah). info
التفاسير:

external-link copy
96 : 9

يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ لِتَرۡضَوۡاْ عَنۡهُمۡۖ فَإِن تَرۡضَوۡاْ عَنۡهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَرۡضَىٰ عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡفَٰسِقِينَ

96.Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda caasiyaasha ah. info
التفاسير:

external-link copy
97 : 9

ٱلۡأَعۡرَابُ أَشَدُّ كُفۡرٗا وَنِفَاقٗا وَأَجۡدَرُ أَلَّا يَعۡلَمُواْ حُدُودَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ

97. (Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa; Allena waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah. info
التفاسير:

external-link copy
98 : 9

وَمِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مَن يَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ مَغۡرَمٗا وَيَتَرَبَّصُ بِكُمُ ٱلدَّوَآئِرَۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

98. Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 9

وَمِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مَن يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَيَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ قُرُبَٰتٍ عِندَ ٱللَّهِ وَصَلَوَٰتِ ٱلرَّسُولِۚ أَلَآ إِنَّهَا قُرۡبَةٞ لَّهُمۡۚ سَيُدۡخِلُهُمُ ٱللَّهُ فِي رَحۡمَتِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

99. Waxaase reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah) ka mid ah kuwo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan. info
التفاسير: