Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

external-link copy
137 : 7

وَأَوۡرَثۡنَا ٱلۡقَوۡمَ ٱلَّذِينَ كَانُواْ يُسۡتَضۡعَفُونَ مَشَٰرِقَ ٱلۡأَرۡضِ وَمَغَٰرِبَهَا ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۖ وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ ٱلۡحُسۡنَىٰ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ بِمَا صَبَرُواْۖ وَدَمَّرۡنَا مَا كَانَ يَصۡنَعُ فِرۡعَوۡنُ وَقَوۡمُهُۥ وَمَا كَانُواْ يَعۡرِشُونَ

137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay2. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba3. info

2. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah.
3. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka Fircoon.

التفاسير: