3. Macnaha waa kama aydaan marin wax dhib ah (dagaal ah) helitaanka qaniimadaa.
4. Xukunka la xiriira maalka ay ka tagaan cadowga oo la helo dagaal la’aan waa ka duwan yahay kaa lagu xusay Suuradda Al-Anfaal, Aayadda 41aad.
5. Qaraabdada Rasuulka waa kuwaa ka midka ah Banuu Haashim iyo Banuu Muddalib uu Nabigu s.c.w. ka xaaraanshay qaadashada sadaqada.
6. Waxaa soo galaya Musaafirka go'doonsan, qaxootiga, dadka qalaad aan degaanka u dhalan ee dhoofka ku yimid, ajaanibta, iwm.
7. Ka hor inta ay muhaajiriintu dhex degin Ansaarta. Kuwaasoo saami laga siiyey qaniimadaa.