Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

Lambar shafi:close

external-link copy
28 : 36

۞ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنۢ بَعۡدِهِۦ مِن جُندٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ

28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 36

إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ خَٰمِدُونَ

29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 36

يَٰحَسۡرَةً عَلَى ٱلۡعِبَادِۚ مَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 36

أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ أَنَّهُمۡ إِلَيۡهِمۡ لَا يَرۡجِعُونَ

31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn? info
التفاسير:

external-link copy
32 : 36

وَإِن كُلّٞ لَّمَّا جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ

32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 36

وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلۡأَرۡضُ ٱلۡمَيۡتَةُ أَحۡيَيۡنَٰهَا وَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهَا حَبّٗا فَمِنۡهُ يَأۡكُلُونَ

33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 36

وَجَعَلۡنَا فِيهَا جَنَّٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ وَفَجَّرۡنَا فِيهَا مِنَ ٱلۡعُيُونِ

34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah). info
التفاسير:

external-link copy
35 : 36

لِيَأۡكُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتۡهُ أَيۡدِيهِمۡۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ

35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn? info

5. Macno kale: Waa inay wax ka cunaan waxa ay gacmahoodu faleen (beereen oo soo goosteen). Labada macnoba waa sax.

التفاسير:

external-link copy
36 : 36

سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلۡأَرۡضُ وَمِنۡ أَنفُسِهِمۡ وَمِمَّا لَا يَعۡلَمُونَ

36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 36

وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلَّيۡلُ نَسۡلَخُ مِنۡهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظۡلِمُونَ

37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 36

وَٱلشَّمۡسُ تَجۡرِي لِمُسۡتَقَرّٖ لَّهَاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 36

وَٱلۡقَمَرَ قَدَّرۡنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلۡعُرۡجُونِ ٱلۡقَدِيمِ

39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 36

لَا ٱلشَّمۡسُ يَنۢبَغِي لَهَآ أَن تُدۡرِكَ ٱلۡقَمَرَ وَلَا ٱلَّيۡلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِۚ وَكُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ

40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi. info
التفاسير: